U bood dhigaalka

Wasaaradda Kalluumeysiga oo Digniin u Dirtay Maraakiibta Sharci Darrada Uga Kalluumeysta Biyaha Soomaaliya

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diginin u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha ka Kalluumeysta biyaha Soomaaliya, kuwaas oo aan sifo aan sharci aheyn uga kalluumeysta.

Digniintaan ayaa ku qotonta u hoggaansanaanta sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed, gaar ahaan qodobka 31aad ee qeexaya hababka Kalluumeysi ee la ogol yahay.

Iyada la xiganayo qodobkan ayaa Wasaaraddu si adag u sheegtay in aan la ogoleyn dhammaan nuucyada ama hababka Kalluumeysi ee ka hor imaanaya sharciga, haddii ay dhacaanna ay sababi karaan in tallaabooyin adag oo ka dhan ah cidda lagu helo la qaadi doono.

Waxaa loogu baaqan dhammaan dhinacyada ay digniintaan ku socoto in ay qaataan mas’uuliyaddooda si loo ilaaliyo kheyraadka badaheenna islamarknaa si wax ku oolnimo leh looga faa’iideysto.