U bood dhigaalka

Hey’adda SODMA oo Gargaar Ka Qeybisay Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ay wajahayaan shacabka Soomaaliyed ee dantayar ayaa maanta ku dhawad 10,000 oo qoys waxa ay gargaar mucaawino ah ugu qaybisay degmooyinka Hodon iyo Afgooye si gaar ah degaanka Lafoole.

Iyadoo lagu guda jiro maalmihii u danbeeyey ee bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa hay’adda waxa ay wali wadaa u gargaarida shacabka Soomaliyed, waxaana qeybinta gargaarkan goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Afgooye, Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA, xubno ka socday maamulka degmada Hodon.

Qaar kamid ah shacabkii gargaarkan ka faa’iideystay ayaa u mahadnaqay Hay’adda soDMA iyo hoggaanka sare ee hay’adda oo marwalba u taagan sidii shacabka Somaliyeed looga sari lahaa xaaladaha adag ee ay wajahayaan.