U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga oo Shaaca Ka Qaaday Goorta Dib Howlgallada Looga Bilaabayo Hirshabeelle iyo Galmudug

Wasiirka cusub ee amniga dalka Generaal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in ay dardar ku socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka, kuwaas oo uu sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray, dhowaanna lalabajibaarayo dagaalka oo ka bilaabanayo gobollada.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in howlgallada ay ka socda dhammaan maamul gobolleedyada dalka gaar ahaan Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, wuxuuna carabka ku adkeeyay in la wiiqay awooddoodii, billaha soo socdana laga nadiifin doono ay kaga sugan yihiin maamullada dalka.

”Waxaa la xaqiijiyay in nimanku tabar iyo xoog midna lahayn, oo ay ahayd waxoodu argagixisanimo, boor isku qarin iyo waxaan loo joogin iyo caga-jugleyn, waxaan filayaa Inshallaahu Tacaallaa, Ilaahey idinkiisa bishan bisheeda in iyadoo dalka Soomaaliya laga nadiifiyay Khawaarijta inaan ku gaari doono” ayuu yiri,

“Maxaa yeelay maamulka Galmudug billahan nagu soo fool leh in Khawaarij laga weyn doono Inshallaahi Tacaallaa, hadda Hirshabeelle ayaa loo soo jeesan doonaa iyana waa noo fududaan doontaa inaan Khawaarijta ka ciribtirno,” ayuu yiri hadalkiisa wasiirka amniga gudaha oo hadlayay 12-ka April.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka go’an sidii gacanta Dowladda dib loogu soo celin lahaa deegaannada maqan ee Al-shabaab ay ku sugan yihiin gobollada dalka, deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ah kuwa ay howlgallada ugu horeeya ee lagu dhammeystirayo wajiga 1-aad.