U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Cusub Ee Taliyaaniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub dalka Taliyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Marion Dacco Coppi.

Kullanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha dalka Taliyaaniga Mudane Pier Marion Dacco Coppi oo ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, maadaama safiirka uu cusub yahay.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Dowladda Taliyaaniga ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka, waxaana uu ammaanay doorka Baarlamaanka Soomaaliya ka qaatay ansixinta shuruucda muhiimka u ah qaranka. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa  Dowladda Taliyaaniga ku boggaadiyay kaalinta weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.