U bood dhigaalka

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo Shir Caalami ah Uga Qeybgalay Magaalada Vienna

Hanti-dhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa maagaladda Vienna ee dalka Austria uga qaybgalay shir-weynaha hirgelinta Yoolalka Horumarka Waara ee Qaramada midoobay (SDGs) gaar ahaan Yoolka 13-aad oo ku saabsan Wax-ka-qabashada isbeddelka Cimilada Dunida.

Shirkan oo ay ka qayb-gelayaan Hay’adaha Hanti-dhowrka ee 83 dal ayaa waxaa qabanqaabiyay Qaramada Midoobay iyo Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka (INTOSAI).

Hanti-dhowraha guud ee qaranka mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa qayb ka ahaa mawduuc gaar ah oo ku saabsan doorka Hay’adaha Hantidhowrada ee wax ka qabashada Dhibaatooyinka Isbedelada Cimilida, Sidoo kale, wuxuuna shirka ka jeediyay khodbad ku saabsanayd Baaris uu Xafiiska Hantidhowrka JFS ku sameeynayo laba mashruuc oo uu Bangiga Adduunku maalgeliyay oo loogu talagalay Wax Ka Qabashada Fatahaadaha iyo Abaaraha kuwaas oo kala ah Mashruuca Biyoole iyo Mashruuca SCRP.