U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ka Wadahadlay Xoojinta Xiriirka Soo Jireenka ah ee Ka Dhaxeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Chen Wendi, oo ugu yimid booqasho sharafeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo kobcinta dhinacyada iskaashi wadaagga iyo isku-duwidda si looga guul keeno nacfi is-dhaafsiga.

Wadahadalka ayaa lagu fallanqeeyay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo lagu muujiyay suuragalnimada kobcinta iskaashi dhinacyo badan ku suntan.

Labada dhinac waxa ay carabaabeen sida ay uga go’antahy kobcinta iyo horumarinta iskaashiga, si ay si wadajir ah wax uga qabtaan caqabadaha heer gobol iyo heer caalami.