U bood dhigaalka

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Bari oo Ka Horyimid Go’aanka Puntland Xiriirka Ugu Jartay Dowladda

Qaar kamida odayaasha iyo waxgaradka gobolka bari oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay inaan la aqbali karin in midnimada dalka la dhaawaco, islamarkaana dowlad madax bannaan la sheegto.

Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen in midnimo la’aantu ay keentay in Itoobiya ay arrimaha gudaha dalka soo farageliso oo ay isku daydo inay qeyb kamida baddeena qaadato.

“Annagu waxaan nahay Soomaali, dowladdeenuna waa Soomaali sidaa awgeed waxaan rabnaa in soomaalinnimo laga shaqeeyo oo mad madowga hadda jira faraha laga qaado” ayuu yiri kamid mida waxgaradka oo goobta ka hadlay.

Odayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhowaynayaan tillaabadii ay qaadeen Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku dhammaystireen cutubyo kamida dastuurka dalka.

Dhinaca kale madaxweyne maamulka Puntland ayay ugu baaqeen inuu miiska wada-hadalka ku soo noqdo, islamarkaana khilaafka kala dhexeeya dowladda si hoose loo xalliyo.

Soo kale go’aankii ay dhowaan ku dhawaaqday Puntland, kaasoo ahaa inay sidoo dowlad madax bannaan u dhaqmi doonaan ayay ku tilmaameen mid aan suurtagal ahayn, waxayna tibaaxeen in haddii uu gooni u goosad uu faa’iido leeyahay ay Soomaaliland ka heli lahayd.

Hadalka odayaasha ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dhowaan Puntland dowladda xariirka u jartay, sidoo kalena ay qaadacday ka qeyb-galka shirka Madasha Wadatasha Qaranka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay.