U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Kenya uga Tacsiyeysay Geerida Taliaha KDF L.t General Ogolla.

Wasaaradda Gaadhaandhigga ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhiggeeda shacabka iyo Dowladda Kenya uga tacsiyeysay geerida Taliyaha Xoogga Dalka ee Kenya(KDF) L.t. General Francis Ogolla.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya waxaa ay sheegay in L.t. General Francis Ogolla uu ahaa geesi wax badan ka qabtay Nabad-dhiska iyo Amniga dalkiisa iyo gobolka, lana xusuusan doono abid.

L.t. General Francis Ogolla ayaa ka mid noqday saraakiil ka tirsan KDF oo ku geeriyooday Helikobter militari oo kula dhacday Galbeedka Kenya, 7 kale ayaa la geeriyootay.