U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayay Ka Hortagga Faafidda Fikirka Xagjirnimada oo Muqdisho Ka Dhacay

Ra’iisul wasaare ku-xegeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb-galay shir looga hadlayay ka la dagaallanka fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata oo ka dhacay magaalada muqsisho.

Shirkan oo 3-dii biloodba mar la qabto ayaa waxaa soo qabanqaabisay xarunta qaran ee tubsan, waxaana ka qeyb-galay Ra’iisulwasaare ku xegeenka XFS, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, iyo wakiillo ka socday dowlaha Soomaaliya ka taageera la dagaallanka fikradaha xagjirka ah.

Markii uu shirku soo gebangaboobay ayaa waxaa nuxurka wixii looga hadlay warbaahinta la wadaagay Agaasimaha madasha tubsan ahna la taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.

“Shirka ujeedkiisu wuxuu ahaa midaynta iyo dardargelinta howlaha la xariira la dagaallanka fikradaha xagjirka ee rabshadaha wata, waxaana noo qabsoontahay oo aad u wanaagsan oo firkadu laysku waydaarsaday” ayuu yiri Agaasime Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wuxuu intaa ku daray inay jiri doonaan kulamo kale oo joogto ah, kuwaasoo bishiiba mar dhici doona oo ay dowladda, dowladda Goboleedyada iyo beesha caalamku ka qeyb-gali doonaan, islamarkaana xoogga lagu saari doono la dagaallanka iyo ka hortagga fikradaha xagjirka ee rabshadaha wata.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka taageera ayaa in ka badan 15 sano dagaal hubaysan kula jira kooxo xagjir ah, balse dagaalka in lagu daro qeybta fikri ah ayaa la rumaysnanyahay inay qaranka muhiimad weyn u leedahay.