U bood dhigaalka

Wasiirka Beeraha oo Shir Caalami ah Uga Qeybgalay Dalka Marocco

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye ayaa dalka Marocco uga qeyb galay shirka ay wasiirrada beeraha ee dalalka Afrika halkaa ku yeesheen.

Shirkan oo labadii sanoba mar la qabto ayaa diiradda lagu saaray sidii beeralayda yar yar iyo xoola dhaqatada noloshooda dib u habayn loogu samayn lahaa, waxaana ka qeyb-galay wasiirada beeraha ee dalalka Afrika, madaxana hay’adda cuntada adduunka iyo masuuliyiin Kale.

Wasiir Maareeye oo gebangabadii shirka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu kulankaasi Soomaaliya muhiimad gaar ah u lahaa, islamarkaana loo baahanyahay in beeralayda Soomaaliyeed la taageero wax soo saarka.

Beeraha ayaa kamid ah ilaha ugu muhiimsan ee uu dhaqaalaha Soomaaliya ku tiirsanyahay, balse wax soo saarka beeralayda dalka ayaa lagu tilmaamaa mid hooseeya markii loo eego dalalka kale ee Afrika.