U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir oo Shaqo Adag Ka Wada Nadaafadda Degmooyinka Muqdisho

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa caawa kormeeray Olole Nadaafadeed oo laga fuliyay wadada dheer ee Wadnaha gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Siinaay illaa iyo Isgoyska Sanca.

Olalahaan oo qeyb ka ah Qorshaha Bilic soo celinta Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa iska kaashaday Maamulada Degmooyinka Warta Nabadda, Boondheere, Yaaqshiid, Shibis iyo Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Dowladda Hoose ee Xamar Waaxda gadiidka Dowlada hoose Maamulka Shirkadda Nadaafada Ifi.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu digniin u diray dadka ku ganacsada hareeraha Laamiga in aysan ku xad-gudbin Nadaafada, isla markaana aan la aqbali doonin in qashin lasoo dhigo wadada laamiga ah, lana ganaaxi doonno ciddii ku xad-gudubta. Bulshada ayaa loogu baaqay in ay ka qeyb qaataan Bilicda iyo Nadaafada Magaalada Muqdisho.