U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Tirsan Booliiska Dalka Turkiga oo Munaasabad Sagootin ah Muqdisho Loogu Sameeyay

Taliya ciidanka booliska Soomaaliya S/guuto Sulub Axmed Firin,taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu sagootinayay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska ee dalka Turkiga.

Munaasabadan oo Loo sameeyay
Saraakiil sar sare oo ka socda Booliiska Dalka Turkiga, uuna huggaaminayay madaxa xariirka dibedda ee booliska Turkiga Mudane Gökhan DEMIRTOLA iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Turgay OLGUN ayaa lagu bogaadiyey Xariirka qotada-dheer ee ka dhexeeya labada dal iyo Iskaashiga labada boolis.

Masuuliyiintan oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada muqdisho ayaa kulamo kala duwan la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha kala gadisan ee ciidamada qalabka sida.

Turkiga ayaa kamida dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya, wuxuuna tababar iyo qalabaysan u sameeyay kumanaan ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa booliska Soomaaliyeed.