U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Ku Baaqday Joojinta Dagaallada Ka Socda Koonfur Galbeed

Wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalada ka socda qaar kamid ah deegaannada Koofur Galbeed.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Saadaad Caliyow ayaa farriin baaq nabadeed udiray dadka dagaalamayo qeybo kamida dowlad Goboleedka koofur galbeed Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay inay dagaaladu ka socdaan magaalooyinka Baraawe, Qoryoolay, Buur xakabo, Diinsoor, Walanwayn iyo meelo kale, islamarkaana ay sababeen dhimasho, dhaawac, iyo barakac.

Sidoo kale maamulka koofur galbeed ayuu ugu baaqay inay kala dhaxgalaan beelaha dagaalamaya oo ay dhiigga daadanaya joojiyaan.

Baaqan ayaa ku soo aadaya xilli ay maalintii shalay ahayd uu dagaal beeleed xooggani ka qarxay magaalada Qoryoolay ee gobolka Shabeelada hoose.