U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Magaalada Gaalkacyo

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wefdigan oo ay qeyb ka ahaayeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ushaaka ku soo dhaweeyay maamulka iyo bulshada reer Gaalkacyo.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay soo dhoweynta wefdiga, wuxuuna sheegay inay u yimaadeen sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen nabadaynta beelo walaalo ah oo muddooyinkii dambe ku dagaalayay deegaanno ka tirsan gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi oo ahna ka hadlay ujeedada socdaalkooda ayaa tibaaxay inay ka xoojinayaan nabadayn ay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolku ku hawlanyihiin.

Wefdigan ayaa la filayaa inay kulamo la yeelan doonaan maamulada gobolka ee Puntland iyo Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo xalliyo shaqaaqooyin dhowaan halkaa ka dhacay.