U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhoweysay War-murtiyeedkii Kasoo Baxay Shirka G7

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhawaynaysay war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii wasiirrada arrimaha dibadda dalalka G7 ee ka dhacay magaalada Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhaxaysay 16-kii ilaa 19-kii bishan April.

Sidoo kale dowladda waxay qirtay dadaalka dalalkaas ee ku aaddan wax ka qabashada cunto yarida, faqriga, iska horimaadyada hubeysan, cimilada aadka u daran, iyo barakaca,iyo qiimeyneynta gargaarka bini’aadanimo ee ka socda meelaha ay dhibaatooyinku ka jiraan.

War qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay u heellan tahay ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso wadasha-qeynteeda dalalka G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqo Geeska Afrika ka hirgasha”.

Sidoo kale Soomaaliya waxay tilmaantay in wada-hadal kasta oo lala yeesho Itoobiya aan wax natiijo ah laga gaarayn ilaa ay ka noqoto is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobolada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujinayso ixtiraam buuxa oo ay u hayso midnimada, madaxbannaanida Soomaaliya.

Dagaalka ayaa sidoo kale qoraalka looga hadlay , ayadoo ay dowladdu ballan qaaday inay sii xoojinayso dagaalka ay kula jirto kooxda Alshabaab, islamarkaana ay ka shaqaynayso sidii amniga dalka looga wareejin lahaa Howlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), looguna wareejin lahaa ciidanka qaranka, ayadoo la fulinayo qorshaha kala guurka, lana sii wadayo horumarinta amniga dalka.