U bood dhigaalka

Munaasabad Lagu Taageerayay Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha oo Garoowe Ka Dhacday

Waxaa magaladda Garoowe caasimadda Dowladda Goboleedka Puntland lagu qabtay Munasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu soo dhaweynayo Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Faderalka iyo dibu heshisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yususf cali Xooash.

Munasabadda waxaa kasoo qayb-galay aqoonyahano,siyaasiinta,masuuliyiin xilal kasoo qabtay Puntland iyo Dowladda Fadrealka,nabadoonadda,cuqaal,dhalinyaro,qurbajoog iyo waxgarad kale oo kamid ah bulshada Puntland.

Kaqayb-galayasha munasabaddu waxay si qotodheer uga hadleen halka uu marayo xiriirka Dowladda dhexe iyo Puntland, ayadoo uu jiro khilaaf muddo soo jiitamayey ,waxayna ujeediyeen Madaxda Dowladda Faderalka Iyo Puntland in miiska wada hadalka la keeno khilafaadka ku salaysan sharciyadda ,iyadoo Meesha laga sarayo wixii la xiriira dan shakhsiyeed.

Madaxda iyo waxgaradka kulanka ayaa ugu baaqay madaxda Puntland in ay dhowraan dastuurka iyo shuruucda u dagan Puntland, iyadoo laga waantobayo caburinta ,cagajugleynta iyo handadada kusabsan fikirka muwadiniinta Puntland .

Munasabaddan ayaa ku soo aaday xilli uu dhowaan maamulka Puntland ku dhawaaqay inay dowladda Faderalka Soomaaliya aqoondigii kala laabteen, sidoo kalena uu maamulka gobolka Nugaal mamnuucay in kulamo lagu taageerayo fadaraalka ahaan wasiir Cali Xoosh lagu qabto magaalada Garoowe.