U bood dhigaalka

Taliyaha Booliiska oo Muqdisho Ka Sagootiyay Saraakiil Aqoon Kororsi u Aaday Dalka Dibaddiisa

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin,ayaa Xaflad Sagootin ah ugu sameeyayay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed saraakiil iyo kormeerayaal katirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo dalka dibadiisa u aadaya aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha Boliiska,

Saraakiishan iyo Kormeerayaashan ayaa u kala baxaya Yurub. Afrika iyo Aasiya waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee la xiriira Boliiska.

Tliyaha Booliiska S/Guuto Sulub axmed Firin oo la hadalay Saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa kula dar daarmay in ay ka faa’iideystaan xirfadaha dalalka ay u ambabaxayaan, sidoo kalana si feecan uga faa’iideeyaan xirfadaha ay yaqaannaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dibedda ku soo tababarta inta badan qeybaha kala duwan ee Ciidanka, waxaana jira dalal dhowr ah oo ka taageera dhanka tababarka iyo qalabaynta Ciidanka.