U bood dhigaalka

Dowladda Mareykanka oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Galbeedka Afrika iyo Ruusha oo Albaabada u Furay

Mareykanka ayaa bilaabaya ciidamadiisa kala bixi doona Niger, sida ay tebinayaan wakaaladda wararka ee Reuters iyo wargeyska New York Times, arrintaan ayaa kusoo aadaysa kadib markii hoggaamiyaha dalkaas Afgambiga ku qabsaday u uku dhawaqay in guud ahaan Mareykanku ciidankiisa kala baxo Niger.

Mareykanka 1,0000 Askari ayaa kaga sugnaa Niger oo ay Mareykanku ku lahaayeen laba saldhig oo uu ku jiro saldhigga diyaaradaha drones-ka ee loo yaqaan Air Base 201 ee bartamaha Niger oo ay ku baxday in ka badan $ 100 milyan hirgelintiisa, xilligaan ayaa dowladda Mareykanku doonayaa inuu isaga baxeyso.

Saldhigyadaan ayaa ahaa kuwa muhiim ugu ahaa Mareykanka marka loo eego galbeedka Afrika, laakiin waxaa muuqata markaan in looga awood roonaaday, kadib markii dalalka intooda badan ay isku dhiibeen Ruushka, kaas oo bilaabay inuu ciidamadiisa kusoo daabulo qaaradda Afrika si gaar ah Galbeedka Afrika.

Kabixitaan ciidanka Mareykanka ee dalka dhaca Galbeedka Afrika ayaa imaanaysa xilli dowladda Ruushka ay muddooyinkii dambe ay waday galaangalgeeda dalalka Afrika, iyadoo dhowaan Mareykanku qiray sida uu kaga walaacsan yahay xiriirka dalalka Afrika ay la yeelanayaan Ruusha iyo Shiinaha oo isku dhinac ah.

Dalkaan lagu magacaabo Niger ayaa 26-kii July 2023 waxaa ka dhacay Afgambi Milatari oo xkunka looga tuuray dowladdii Rayidka aheyd uu hoggaaminayay Mohamed Bezuma, kaas oo dalka laga masaafuriyay, Cabdirahman Gadhi Cali ayaa bilaabay tillaabooyin ku badalayo siyaasadihiisa ku aada dalka Mareykanka.

Dalalka Burkino Faso, Mali iyo Niger ayaa hadda noqday udub-dhexaadka sida weyn loogu tartamayo dalalka galbeedka Afrika, waxaana muuqata in dalka Ruusha oo kaashanaya China inuu siyaasad ahaan gacanta ku dhigay dalalkaan, iyadoo hadda hardanku ka bilaabanayo dalalka Bariga iyo Waqooyiga Afrika.