U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka oo Muqdisho Ka Dhagaxdhigay Laanta Socotada Booliiska

Ra’isal wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa dhagax-dhigay laanta socotada Booliska Soomaaliyeed oo hoy u noqon doonta askarta u kala socdaali doonta gobollada dalka iyo kuwa tababarka ku jira.

Dhagax-dhigga waxaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka ku wehliyey Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin.

Dhismaha laantan ayaa qeyb ka ah dadaalada dib loogu dhisayo xarumaha dowladda, islamarkaana lagu hirgelinayo goobo dan guud ah oo dadka loogu adeego, si loo kobciyo shaqada laamaha ammaanka ay ka hayaan caasimadda iyo gobollada dalkka ee heer federalka.