U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda oo Faahfaahiyay Shir Caalami ah uu Kaga Qeybgalay Mareykanka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa ka warbixiyay shirarkii hey’adaha dhaqaalaha adduuunka ee uu magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qeyb galay.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in shirarkaasi ay Soomaaliya muhiimad weyn u lahaan, sidoo kalena ay ku matalaysay dalalka Afrika oo dhan oo ay afkooda ku hadlaysay, aragtidoodana gudbinaysay.

Wuxuu intaas ku daray sidoo kale qaaradda Afrika ku matalayeen shirka golaha hormarinta adduunka, islamarkaana ay madashaa la wadaageen waxyaabo qaaradda dan u ah, iyo caqabado ay doonayso in lala xalliyo.

Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu tibaaxay inay intii shirku socday kulamo gaar gaar ah la yeesheen madax ka tirsan Dowladda Mareykanka iyo wufuddii kale ee shirka Bank-ga adduunka iyo hay’adda lacagta dunida ka soo qeyb-lay.

Soomaaliya ayaa xilligan dadaal xooggan ugu jirta sidii ay dib ugu dhisi lahayd hay’adeeda dowliga ah, islamarkaana ay dunida ula jaanqaadi lahayd, iyadoo dhowaan laga cafiyay deymo badan oo caalamka looga lahaa.