U bood dhigaalka

Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Malesia iyo Khasaare Dhimasho iyo Burbur Ka Dhashay

Sheeko:Caalamka

10 ka mid ah shaqaale diyaaradeed ayaa dhintay ka dib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Malaysia, kuwaas oo si xun u burburay.

Ciidamada badda ee Maleesiya ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in labada diyaaradood ay isku dhaceen subaxnimadii Talaadada, xilli ay ka qeyb qaadanayeen tababar dhanka hawada ah oo ka dhacayay waqooyiga Lumut, halkaasoo xarun u ah ciidamada badda.

Shilal diyaaradaha militari-ga ayaa ku soo kordhaya qaaradda Aasiya, horraantii todobaadkan ayayna ahayd jeerkii ay labada diyaaradood oo ciidamada Jaban ay leeyihiin la waayay, ka dibna la xaqiijiyay inay burbureen, waxaana inta la xaqiijiyay shilkaa ka dhashay dhimashada hal qof iyo 7 kale oo nolol iyo geeriba lagu waayay.