U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Baarlamaanka Bariga Afrika oo Munaasabad Sagootin ah Loo Sameeyay

Wefdi ka socda Baarlamaanka ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa loo sameeyay munaasabad sagootin ah oo si heer sare ah loo agaasimay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka keenya iyo masuuliyiin kale oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay imaatinka wefdigani ay Soomaaliya muhiimad weyn u lahayd, islamarkaana ay ugu mahadcelinayaan booqashada ay dalka ku soo gaareen.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka keenya Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tilmaamay in xubnaha Barlamaanka ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ay kolkii hore Soomaaliya ka aaminsanaayeen meel halis ah oo aan amni iyo hormar midna ka jirin, balse ay hadda wax badan ogaadeen oo ay Soomaaliya sawir qurxoon iyo aragti quman ka gudbin karaan.

Sidoo kale wuxuu u mahadcelinayay guddoonka sare ee Barlamaanka ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, wuxuuna ku bogaadiyay wefdiga ay Soomaaliya u soo direen iyo sida ay uga go’antahay inay Ururka xubin buuxda ka noqato.

Soomaaliya oo dhowaan ku biirtay ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ayaa ku dadaalaysa in xubinnimada ururkaasi ay hormarro badan u horseedi doonto.