U bood dhigaalka

Dowladda Mareykanka oo Cunaqabateyn Kusoo Rogtay Iran, Kadib Weerar Dhanka Internet-ka

Maraykanka ayaa cunaqabatayno cusub ku soo rogay dalka Iran malaintii Talaasdada, kadib markii weerar dhanka Internet-ka ah lagu qaaday, iyadoo weerarkaan lagu beegsaday afar qof iyo laba shirkadood oo ay ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnahani ay batlimaameesadeen tobanaan ka mida shirkadaha Maraykanka iyo hay’ado xukuumi ah, iyaga oo adeegsanaya virus-yo badan oo kale duwan oo lagu abuuray qadka.

Wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in xubnahan iyo shirkadahani ay u shaqaynayeen ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan, cucanaqabateyntaan ayaa ah mid lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqooda, taas oo dhigan in ay saameyn ku yelan doonto.

Kaaliyaha xoghayaha maaliyadda u qaabilsan arrimaha la dagaalanka argagixisada iyo lacagaha khaldan, Brian Nelson ayaa sheegay in Iran ay sii waddo, inay weeraro ku qaado shirkadaha Maraykanka iyo hay’adaha dowladda ee arrimaha maailyadda iyo kuwe kale.

 Dawladda ayaa ku eedeysay xubnahaan in arrintaan ay uga danleeyihiin khalkhalgelinta kaabayaasha isla markaana ay dhaawac soo gaadhsiiyaan muwaadiniinta Maraykanka, Mareykanka ayaa Iran ugu goodiyay Cunaqabateynno kale haddii ay sii wadaan arrintaan.

Cunaqabataynada Salaasadii ayaa ah tallaabadii ugu dambaysay ee ka dhan ah Iran ee ay qaadaan Maraykanka iyo saaxiibadiis, tan iyo markii uu dhacay weerarka Internet-ka ee lagu qaaday shirkado ku yaallo Mareykanka, taas oo keentay falcelinta cunaqabateynta ah.

Toddobaadkii horena, Maraykanka iyo Britian ayaa cunaqabatayno ku soo rogay, nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, ka dib weerarkii ay ku qaaday Israa’iil, waxaana arrintaas ay keentay in xaalladu sii cakirnaato xiriirkana gobolkana uu noqdo mid xumaada.