U bood dhigaalka

Howlgal Lagu Dilay 70 Al-Shabaab oo Lagu Dilay Mudug iyo Dowladda oo Ka Hadashay

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay dowladda Soomaaliya soo saartay In ka badan 70 Alshabaab ah ayaa la gu diley, halka 30 kalena lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge oo qiyaastii 28-km, Waqooyina kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Xubnaha Alshabaabka ah ee la weeraray ayaa lagu beegsaday saddex barood oo ku yaala deegaankaas, halkaasoo ay isku aruursanayeen, islamarkaana abaabul ciidan ka wadeen sida lagu sheegay warka dowladdu soo saartay.

“Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa weli ku raad-jooga Kontomeeyo Alshabaab ah oo isku dayay in ay dhulka hawdka ah ku baxsadaan, iyada oo sidoo kale kooxdu aydaryeel u la’dahay dhaawacyada daran ay ka soo gaaray hawlgalka” ayaa lagu yiri bayaanka.

Warka ay soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli ay howl-gallo xooggan oo kooxda shabaab lagula dagaalamayaahi ka socdaan goballo badan oo dalka kamida.