U bood dhigaalka

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qeybgalay Shirka Hormarinta Tiknoolajiyadda Afrika

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qayb-galay shirweynaha Caalamiga ah ee “Connected Africa” kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd xaqiijinta kaalinta Teknoloojiyaddu ay ku leedahay kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan dalalka Afrika.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ahaa madaxdii madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay istiraatijiyadda Dowalada Federalka Soomaaliya ee lagu dardargelinayo horumarinta hannaanka xogta iyo Isgaarsiinta Teknolojiyada ee ICT iyo guud ahaan Teknoloojiyadda.

Danjire Jabriil ayaa soo hadal qaaday qaab-dhismeedka siyaasadda-sharciga ee lagu horumarinayo Teknoloojiyadda, gaarsiinta aaladaha Internetka qofkastaa oo Soomaali ah, ilaalinta xogta iyo sirta Qaranka.

Sidoo kale waxaa uu diiradda saaray adeegyada ganacsiga iyo horumarinta Waxbarashada sida e-commerce iyo e-education, iyo baraarugga xooggan ee ay dad Soomaaliyeed ku wajahayaan ka faa’iidaysiga Teknoloojiyadda.

Soomaaliya ayaa kamida dalalka hormarka feecan ka sameeyay dhanka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, sidoo kalena waxay haysataa adeegga Internet oo tayo leh.