U bood dhigaalka

Ceelsha Bishaya: Nin Qarax uu Farsameynayay Ku Laayay Caruurtiisa iyo Booliiska oo Ka Warbixiyay

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay qaraxyo habeenkii xalay ka dhacay Muqdisho iyo deegaanka Ceelsha Biyaha, kuwaas oo mid kamid ah uu geystay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacyo isugu jira, kadib markii uu guri ku yaalla halkaas qarax laga maqlay.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed G/le Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Qaraxyo lagu soo riday Baco ay ciidanka ammaanku ku qarxiyeen Muqdisho, kadib markii ay gacanta ku dhigeen, halka qaraxa ka dhacay Ceelasha biyaha uu ahaa qarax miino oo ku qarxay qofkii farsameynayay sida uu xusay.

Qaraxa Miino ee qarxay ayaa geystay khasaare waxaana halkaas ku geeriyooday shakhsigii sameynayay iyo laba caruur ah uu dhalay, halka ay dhaawac tahay hooyadii ilmaha dhashay iyo caruur kale, kuwaas oo ku jira gacanta laamaha amniga, waxaana la geeyay Isbitaal si loo dabiibo xaaladdooda caafimaadka.

“Waxaa dhacday laba dhacdo, dhacdo musiibo ah oo kooxaha nabad diidka dhexdooda isku sameeyeen oo ka dhacday Ceelasha Biyaha eeriyada Shaakir, guri lagu farsameynaayay miino gacan ku sameys ah ayaa waxaa ay ku qaraxday ruuxii farsameynaayay” ayuu yiri Afhayeenka oo ka warbixinayay arrintaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo ay ugu jiraan xaqiijinta amniga iyo sidii xasilooni loogu heli lahaa Muqdisho, taas oo sanad kadib laga dareemayo isbedel weyn oo amniga at tan iyo markii ciidanka xasilinta loo dhiibay dabayaaqada bishii Ramadaan sanadkii in weydaartay ee 2023.