U bood dhigaalka

Mareykanka oo Ukraine Ku Caawinaya Nidaamka Difaaca Hawada ee Patrio

Sheeko:Caalamka

Maraykanka ayaa sheegay in uu Ukraine siin doono nidaamka gantaalaha difaaca hawada ee Patriot, taas oo qayb ka ah $6 billion oo gargaar dheeri ah, kaas oo lagu caawinayo dowladda xilligaan dagaalka kula jirta Ruushka.

Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaana ku dhawaaqay qorshahan isaga oo ku tilmaamay inuu yahay gargaar amni oo ay Kyiv siiyaan kii ugu weynaa tan iyo markii uu billowday duulaankii Ruushka ee dalkaasi 2022.

Ku dhawaaqidda Taageeradan militari ayaa timid ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu saxeexay xeer oggolaanaya in Ukraine la siiyo saanad ciidan oo qeymo ahaan ku kacaysa $61bn oo isugu jirta hubka noocyadiisa kala duwan iyo qalabka difaaca hawada.

Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Mareykanka uu la shaqeynayo xulafadiisa si ay u helaan nidaamyo dheeri ah oo Patriot, laakiin wax faahfaahin kamana uusan bixin noocyada cusub ee ay dalalkaa siinayaan.

Dagaalka Ukraine ayaa sanadkii 3-aad si toos ah u socday, ayadoo dalalka reer galbeedka oo uu Mareykanku ugu hooreeyaahi ay taageero baaxad leh siinayaan Xukuumadda Kiev.