U bood dhigaalka

Muxuu Ciidanka Xoogga Uga Dhigan Yahay Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga, Kadib Wareysigiisa?

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur jaamac ayaa wareysi uu dhowaan siiyay mid kamida muuqaal baahiyeyaasha dalka ka howl-gala ku sheegay in cid kasta oo warbaahinta la hadlaysaahiba ay caado ka dhigatay inay cidanka xumaantiisa soo bandhigto.

Sidoo kale asagoo war celinayay weydiin ku saabsanayd dacdarrada muuqaal ee ciidanka ayuu tibaaxay inaanay Wasaaraddiisu ka shaqayn wax uu ku tilmaamay qurxin guryaha, islamarkaana daruufka ka muuqata askartu ay tahay mid dabiici ah oo aanu mudnayn in la buun buuniyo.


Wasiirka jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay in dadka soomaaliyeed looga baahanyahay inay ciidanka garab istaagaan oo ay duruufta iyo xaaladda adag oo ay ku shaqaynayaan ku dhiirigeliyaan halkii ay fadeexad iyo sumcad xumo u raadin lahaayeen.

Wuxuu intaa ku daray in howsha ciidanimadu ay tahay mid adag oo dhimasho iyo dhaawac lagala kulmo, qof walboo askarinimo qoranayaahina uu ku soo tagalo geeri iyo duruuf adag, taasina aanay ahayn mid la yaab leh.

Wasiirka ayaan faahfaahin ka bixin eedaymo Wasaaradda iyo taliska ciidanka xoogga dul huganaya oo ku saabsan warbixin dhowaan la shaaciyay oo ka daboolka ka qaaday in raashinkii ciidanka danab la dhacay oo afka loo dhigtay.


Dowladda Maraykanka ayaa dhowaan sheegtay inay joojisay taageeradii sahayda oo ay siin jirtay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee danab, ayadoo shaaca ka qaaday in raashinkii ay ciidankaa ugu talo-gashay si weyn loo musuqmaasuqay.

Dowladda Soomaaliya oo war saxaafadeed faahfaahsan arrintaa uga jawaabtay ayaa’se qiratay jiritaanka eeddaa isdaba-marineed, balse waxay sheegtay inay tallaabo adag ka qaadi doonto ciddii uu falkaasi ku caddaado, islamarkaana ay shaqsiyaad lagu tuhmayo la xiray.

Weydiimaha jawaabta u baahan ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska xoogga horyaalla waxaa kamida sidee bay ku dhacday in ciidanka duruufta adag iyo dagaallada joogtada ku jira raashinkoo la la musuqo? yaa falkaa lagu helay oo u xiran ama xaydaabka shaqada laga saaray?


Maxaa Wasaaradda uga qorshaysan buuxinta kaalintii uu Maraykanku banneeyay? Maxaa sababay in la joojiyo mushaarkii ay dowladda Imaaraadku u ballan qaaday cutubyo ka tirsan Ciidanka?
Iyo su’aalo kale oo shacabka iyo xeeldheereyaasha amniga maankooda ka guuxaya.