U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Soo Xiray Aqoon Is-weydaarsi Ku Saabsan Doorka Warbaahinta ee Hannaanka Casriyeynta Dowladnimada.

Kulan aqoon isweydaarsi ah oo looga hadlayey doorka warbaahinta hey’adaha dowladdu ay ka qaadan karaan hirgelinta Hannaanka casriyeynta Dowladdnimada iyo sidii farriimaha dowladda looga dhigi lahaa kuwo waxtar leh oo isku xira, bulshada iyo dowladda, ayaa ku qabsoomay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in looga baahan yahay dadka ka shaqeeya warbaahinta hey’adaha dowladda in ay noqdaan dad aqoon leh oo xog-ogool u ah arrimaha ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dheeraaday doorka ay warbaahintu ku leedahay dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, waxa uuna hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in bulshada Soomaaliyeed lagu jiheeyo dowladnimada casriga ah.

Kulanka oo intii uu socday la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo warbaahinta loogu jiheynayey hannaanka dowlad-dhiska iyo la dagaallanka Khawaarijta , ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Gaani, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala iyo Howlwadeennada Warbaahinta ee Hey’adaha Dowladda.