U bood dhigaalka

Shirka Guddiga Sare ee Dowladda Hoose ee JPLG oo Muqdisho Ka Furmay

Shirka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Shirkaan waxaa furay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yusuf Cali, iyadoo inta uu socdo looga hadli doono daadajinta adeegyada dowladaha hoose.

Waxaa ka soo qayb-galay shirkaan Masuuliyiin ka socota Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo

Sidoo kale Kulanka waxaa qayb ka ah, saaxiibada Beesha caalamka ee taageera Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG-ga.