U bood dhigaalka

Booyad Shidaal oo ay Leedahay Shirkadda Korontada Beco oo Duleedka Muqdisho Lagu Qarxiyay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Xaafadda Jabadgeel ee deegaanka Ceelasha biyaha.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay waxaa lala beegsaday gaari booyad ah oo shidaal siday.

Sida ay noo xaqiijyeen ilo lagu kalsoonaan karo booyadda waxaa lahaa Shirkadda Korontada ee lagu magacaabo Beco.

Ma jirto khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxa, balse waxaa jira khasaare hantiyadeed oo ah booyaddii iyo shidaalkii ay siday oo Dab qabsaday.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay. Waxaa hadda socda baaritaano iyo howlgallo ay waddaan ciidanka Amniga.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray qaraxyo Miinooyin ah kuwaasoo dhacayay wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha biyaha .