U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Tirsan Booliiska Gaarka ah oo Tababar Loogu Soo Xiray Jabuuti iyo Taliye Sulub oo Ka Qeybgalay

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/Guuto Sulub Axmed Firin oo ku sugan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa tababarka u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiista booliska Soomaaliyeed oo halkaa muddo lagu carbinayay.

Tababarkaan oo mudo ka socday Dalka Jabuuti ayaa waxaa kaalin ka geystay dowladaha Talyaaniga iyo Jabuuti, ciidanka tababarka loo soo xiray ayaana ah dufcadii 20-aad ee loo tababaray Daraawiishta.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin oo ciidankaan cusub tababarka u soo xiray ayaa bogaadiyay dadaalka iyo dhabar-adeyga ay muujiyeen ciidankaan mudadii uu socday tababarkaan.

Sidoo kale wuxuu dowlaha Talyaaniga iyo Jabuuti uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan ciidanka booliska iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed oo xilligaan ku jira soo kabasho dowladnimo iyo dib u dhiska hey’adihiisa.