U bood dhigaalka

Xabsiyada Ku Yalla Puntland oo La Xaqiijiyay in Maxaabiista Loogu Geysto Tacadiyo Ka Dhan ah Xuquuqul Insaanka

Xafiiska Xuquuqul-iinsaanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in gacan ka hadal ka dhacay xabsiga Gaalkacayo uu sababay dhimashada hal maxbuus iyo dhaaca todobo kale, isaga oo ku eedeeyey ciidanka Asluubta Puntland in ay si arxan-daran ula dhaqmeen maxaabiista.

Xafiiska ayaa sheegay in Taariikhdu markay ahayd 28-di Abriil, 2024, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ay soo gaareen dad isugu jira Waalidiin iyo Ehel oo ka cabanaya maxaabiis loo gaystay Dil iyo Dhaawac kana dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Gaalkacyo.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu tilmaamay in uu baaritaan horudhac ah ku sameeyey cabashooyinka soo gaaray iyo dhacdada xabsiga dhexe ee Gaalkacyo.

Xafiisku wuxuu xaqiijiyay in uu ka dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo gacan ka hadal ka dhashay kacdoon iyo cabasho ay sameeyeen qaar ka mida maxaabiista ku xiran xabsiga, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac, Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay 30 Abriil, 2024 dhimashada mid ka mida maxaabiista oo magiciisu ahaa Mahad Axmed Warsame, una dhintay dhaawacyo halisa oo madaxa ka soo gaaray iyo 7 kale oo maxaabiista ah ayna ku jiraan kuwa dhaawacyo halisa.

“Sida uu dhigayo sharciga Xabsiyada Puntland ee Sharci. Lr. 19. ee Nofeember 2012, xabsigu waa goob lagu hayo, lagu daryeelo, laguna dhaqan celiyo maxaabiista, wuxuuna falka ka dhacay xabsiga xad-gudub ku yahay shuruucda u degsan xabsiyada, maamulka Xabsiga waxaa waajib ku ah inay xaqiijiyaan daryeelka iyo badqabka maxaabiista iyo inay ka hortagaan wax kasta oo keeni kara xad gudub lagu sameeyo xuquuqda, karaamada iyo sharafta maxaabiista”
ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Xafiisku, isaga oo ka duulaya dhacda xabsiga, waxa uu caanbaaraynayaa hab dhaqanka arxan darrada ah ee Ciidanka Ilaalada Xabsiga u gaysteen maxaabiista, wuxuuna ka dalbanayaa xukuumadda Puntland inay baaritaan deg-dega ku samayso dhacdada, lana horkeeno sharciga cidda gaysatay falka sababay dhimashada iyo dhaawacyada ka dhacay xabsiga Galkacayo, sidoo kale waxa uu xafiisku ka dalbanayaa xukuumadda in guud ahaan dib loo eego hannaanka maamulka xabsiyada Puntland si looga hortago inay soo noq-noqdaan dhacdooyinka noocaan oo kale ah”

Xafiisku wuxuu ugu baaqay Golaha Wakiilada Puntland, gaar ahaan guddiga qaabilsan xuquuqul aadanaha iyo guddiga amniga inay xukuumadda kula xisaabtamaan dhacdada ka dhacday xabsiga, ayna xaqiijiyaan inay caddaalad helaan dhibanayaasha maxaabiista ah.