U bood dhigaalka

Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiinta Hey’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleyman Maxamed Maxamuud ayaa shir la qaatay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan oo ay wehliyaan la taliyaasha iyo agaasime waaxeedyada Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed.


Shirkaas oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Dembiyada Lidka ku ah deegaanka, beeraha iyo cudurrada faafa ee xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku saabsanaa hanaanka wada shaqeynta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Hey’adda Tayadhowrka Soomaaliyeed.


Xeer-ilaaliyeyaasha ka hawlgala Waaxda Dembiyada Lidka ku ah Deegaanka, Beeraha iyo cudurada faafa ee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa sharaxaad ka siiyey Maareeyaha Hay’adda Tayadhowrka qaabka uu u shaqeeyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, si ay fududaato wadashaqeynta labada xafiis.


Falanqeyn iyo aragti is waydaarsi kadib waxaa laysku raacay in hay’adda Tayadhowrku ay si joogto ah ugu soo gudbiso Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wixii warbixin dembi ah oo ay ku ogaato Hay’addu, baaritaanna ay samayso, si lamid ah hay’adaha kale ee baarista, si xeer ilaalintu uga qaado tilaabooyin sharciga waafaqsan.