U bood dhigaalka

Nin Muqdisho Ku Dilay Xaaskiisii Hore oo u Dhashay Saddex Wiil.

Nin ku hubeysan mindi ayaa weerar ku qaaday guri ay degneyd xaaskiisii hore oo ku yaalla deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo da’diisa tahay 44 sano jir ayaa dilay haweenayda oo u heysay Saddex Caruur ah.

Ninka dilka geystay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Ismaaciil Maame halka haweenayda uu dilay lagu magacaabi jiray Xabiibo Xuseen Cabdullaahi.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta ku hayaan gacan ku dhiiglaha oo ku dhashay degmada Waabari.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Goobjoog u sheegay in dilkaan uu argagax ku abuuray shacabka deegaanka.

Waxaa kaloo uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Gabadha la dilay ay soo gaaraayeen Hanjabaado uga imaanayay ninka dilka geystay.

Dhacdadaan ayuu sheegay in ay sababtay hinaaso dhanka ninka ka yimid.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo batay dilalka ay isku geysanayaan dadka horay isku qabay iyo kuwa is qaba. waxaa la diwaangaliyay dhowr dhacdo billihii lasoo dhaafay.