U bood dhigaalka

Ra’iislwasaare Ku-xigeenka oo Gambia Kula Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa Magaalada Banjul ee dalka Gambia kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan, xilli uu ka qeyb galay shirka dalalka Islaamka.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo dardar gelinta iskaashiga dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Waxbarashada Soomaaliya iyoTurkiga.

Mudane Salax Axmed Jaamac iyo hakaan fidaan oo wada ka qeyb-galay shirkii dalalka iskaashiga islaamka ee ka dhacay dalkaasi gaambiya ayaa yeeshay kulan doceedkan muhiimka ah, wuxuuna Ra’iisul Wasaare ku xegeenka Soomaaliya Turkiga kugu bogaadiyey taageerida hagar la’aan ah ee ay qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed la garab taaganyihiin.