U bood dhigaalka

Azerbaijan iyo Soomaaliya oo Ka Wadahadlay Danaha Labada Dowladood

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda ee Asarbayjaan Jeyhun Bayramov oo ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa Shirka OIC.

Kulanka ayaa dhinacyadu waxay ku muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin heerka uu marayo wada shaqaynta labada dowladood, hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan QM, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Wasiirka arrimaha dibada Azerbaijan sheegay in ay si buuxda u garab taagan yahay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay kula wareegto gudoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Dhinacyadu waxay xuseen awoodda ballaadhan ee horumarinta ganacsiga labada dhinac iyo iskaashiga dhaqaalaha, sidoo kale iskaashiga dhinaca tamarta beddelka ah ,bani’aadamnimada iyo waxbarashada.

Dowladda Azerbaijan ayaa tilmaamtay in ay kordhin doonto ka qayb galka ardayda Soomaaliyeed barnaamijka deeqaha waxbarasho ee ay Asarbayjaan u aas aastay wadamada Ururka Iskaashiga Islaamka.