U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Dhismaha Waddo Isku Xirta Puntland iyo Dowlad Deegaanka oo Lagu Qabtay Goldogob

Shir looga wada xaajoonayo Wadada Isku xirta magaalooyinka Tuur-Dibi, Galaadi, iyo Wardheer ayaa lagu qabtay magalada goldogob ee gobolka mudug, waxaana ka qeyb-galay masuuliyiin ka kala socday labada dhinac.

shirkan waxaa goobjoog ka ahaa maamulada dagmooyinka Galaadi iyo Goldogob ,sidoo kale waxaa qayb ka ahaa gudiyada kala duwan ee wadadan ku hawlan, kana kala dhisan jigjiga, wardher, galaadi, iyo goldogob.

Gudiyada Ayaa Kormeeray dhismaha 20 Km oo wadada kamida, taasoo uu Xaafiiska Jidadka Dowlad deegaanka Soomaalidu Ka Fulinayay Inta Udhaxaysa Galaadi Ilaa deegaanka Baxdo, Iyo Sidoo Kale Wadada Iskutashiga Shacabka lagu dhisayo ee Gallaadi llaa baaltaag oo ah 15km ayay indho indhayn ku tageen.

Waddooyinka muhiimad weyn u leh isku socadka labada dhinac xilli gobolka mudug laga hirgeliyay dekadda Garacad oo la doonayo in alaabaha ka soo daga loo helo jid lagu gaarsiiyo dalka Itoobiya oo ah meesha ay ku noolyihiin dadka ugu badan geeska Afrika, haddana aan bad lahayn.