U bood dhigaalka

Danjiraha Soomalaiya ee Koonfur Afrika oo Soo Dhoweyn Loogu Sameeyay Dalkaasi

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Africa ayaa xaflad ballaaran oo soo dhaweyn ah u qabtey danjiraha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee South Africa Amb.Maxamed Sheekh isxaaq.

Xafladaan oo si heer sare ah loo soo agaasimey kana soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa soo qaban-qaabiyey maamulka jaaliyadda ee Somaali Cummunity Board .

Danjire Maxamed Sheekh isxaaq ayaa ahayd markii ugu horreeysey oo si toos ah ula hadlo jaaliyadda tan iyo markii uu yimid waxana uu uga war bixiyey siyaasada dawlada uu hoggaamiyo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo istiraatiijiyadiisa cusub ee waxqabadkiisa taas oo uu rabo in uu is bedel ku sameeyo safaaradda iyo guud ahaan jaaliyadda caqabadaha heesto oo leh dhinacyo badan. Wuxuuna aad uga hadley kor uqaadida xiriirka labada dal.