U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Puntland oo Kormeer Ku Tagay Saldhigga Ciidamada ee Xorgoble

Taliyaha ciidamada difaaca dawlad Goboleedka Puntland Gen Aadan Cabdi Xaashi ayaa safar shaqo kusoo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, waxa uuna booqday dugsigga tababarada ciidamada ee Xorgoble.

Gen Aadan waxaa ugu horeyn halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha dugsiga xorgoble G/dhexe Burhaan Axmed Caanood,iyo maamulka iyo macalimiinta dugsigga, waxayna uga warameen xaalada dugsigga, marxaladihii uu soo maray, iyo hawlaha hadda ka socda.

Taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray dhamaan qaybaha uu ka kooban-yahay dugsigga, waxa uuna intaas ka dib si gaar ah ula kulmay taliyaha dugsigga Burhaan Caanood iyo hawl-wadeenada kale, islamarkaana wuxuu kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan shaqada adag oo ay hayaan.

Ugu danbayn Gen Aadan Cabdi Xaashi ayaa taliye Burhaan, maamulka iyo macalimiinta uga mahad-naqay shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabteen 5tii sano ee lasoo dhaafay.