U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kulan La Qaatay Safiirka Britain ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya denjire Mike Nithavrianakis.

Inta uu kulanku socday labada masuul waxaa diiradda lagu saaray xoojinta dagaalka lagula jira kooxda Alshabaab, Xasillinta iyo soo kabashada dalka, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha doorashada soo socata ee dowladda Soomaaliya.

Ugu dambayn, Safaaradda Britain ayaa wasiirka u xaqiijisay inay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeeyaan dowladda FederaalkaSoomaaliya, isla markaana ay taageerayaan ajendayaasha iyo waxyaabaha mudnaanta u leh Soomaaliya.

Ingiriiska ayaa kamida dowlaha ugu waaweyn ee Arrimaha Soomaaliya saameynta ku leh, waxayna dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ka taageertaa arrimaha nabad-galyada, tababaridda ciidamada, hormarinta iyo kobcinta dhaqaalaha.