U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Guddoominaya Kulan Laba Geesood ah oo u Dhaxeeya Soonaaliya iyo Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoggaaminaaya kulano labo geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ka soconaaya Magaalada Nairobi.

kulamadaan ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee labada Dal.

Dhanka Kenya, waxaa kulanka u hoggaaminaaya Madaxwayne Ku-xigeenka Dalkaas.

Ujeedka ugu weyn ee kulamadaan waa xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen dagaalka Shabaab.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shalay ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan dhinacyada, Arrimaha dibedda, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.

Heshiisyadaasi ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.