U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Kormeeray Iskuulka Barbaarinta Agoonta Booliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin ayaa Kormeeray Dugsiga Hoose,Dhexe iyo Sare ee S/Guuto Maxamed Abshir oo ah Iskuulka Xarunta Barbaaribta Caruurta Boliiska Soomaaliyeed.

Kormeerka Taliyaha Ciidanka Boliska ee Dugsigaasi waxaa Ku wehliyaya qaar kamid ah saraakiisha Ciidamnka Boliiska Soomaaliyeed, waxayna ujeedada Kormeerka Iskuulku ahayd u kuurgalka Sida ay wax u bartaan Caruurta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed.

S/Guuto Sulub axmed Firin Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa mid Mid u Booqday Fasalada ay wax ku bartaan Caruurtan kuna dhiira galiyey in ay ka faa iideystaan Wax barashadooda .