U bood dhigaalka

Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga XFS oo Daahfuray Shirka Qaran ee Maareynta Hubka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka.

Shirka waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan wasaaradaha gaashaandhigga amniga dowladda Federaalka, xubno ka socda dowlad gobolleedyada iyo masuuliyiin matalayay beesha caalamka.

Wasiirka ku xegeenka Gaashaandhigga oo shirka daahfuray ayaa sheegay in ujeedada kulanka ay tahay sidii loo maareyn lahaa hub, rasaasta iyo waxyaabaha qarxa, asagoo ka soo qeyb-galayaasha saaxiibada Soomaaliya uga mahadceliyay kaalintii ay ku lahaayeen in cuna-qabataynta hubka dalka laga qaado 32 sano ka dib.

Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay doodo iyo aragtiyo wax ku ool ah oo maareynta hubka iyo habsami u adeegsigiisa ku saabsan, yadoo maalmaha soo socdana qorshayaal cusub lagu faaqidi doono.

Kulanka muhiimka ah ayaa ku soo beegmaya ayadoo dhowaan Soomaaliya laga qaaday cunaqabatayntii hubka oo saarnayd in ka badan 30 sanadood, lana filayo inay dowladdu soo iibsan doonto hub faro badan