U bood dhigaalka

Mid Kamid ah Dhallinyaro Ku Dhaawacantay Shaqaaqo Ka Dhacday Boosaso oo Geeriyooday

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhaawacmay is rasaaseyn magaalada Boosaaso ku dhexmartay ciidanka amniga dowlad gobolleedyada Puntland iyo koox hubeysan oo la sheegey in ay hub kala soo degayeen meel aan ka fogayn Madaxtooyada Boosaaso.

Kooxdan ayaan la aqoonsan cidda ay ka tirsanyihiin, sidoo kale maamulka gobolka bari iyo kan Puntland Weli wax faahfaahin ah kama bixin falka caawa ka dhacay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Kamida dadkii shaqaaqadaa ku dhaawacmay oo lagu magacaabo Saalim Ayuub oo ka mid ahaa dhalinyarada Boosaaso ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaarey Is rasaaseyntii xalay ka dhacday magaalada Boosaaso sida ay xaqiijiyeen ilo caafimaad iyo kuwa amni oo Boosaaso ku sugan.

Xeebaha gobolka bari ayaa la rumeysanyahay inay kamid yihiin meelaha uu hubka sharci darrada ihi dalka ka soo galo, kaas oo ka yimaada Yemen.

Sidoo kale falal amni darrada ah ayaan ku cusbayn magaalada Boosaaso, ayadoo kooxo hubaysan oo la xariirinayo inay ka tirsan yihiin ururada Alshabaab iyo daacish ay mararka qaar arbushaad amni ka gaystaan magaalada.