U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daahfuray Shirka Wadatashiga Howlgalinta Aqoonsiga Qara nee Nira

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa furay Kulanka wadatashiga Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee Dib-u-eegista Qorshaha Hawlgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaran (SNID) oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Abdiweli Timacade oo sharaxay ujeedada kulanka ayaa sheegay in muhiimadda Shirkaan uu yahay ka tala gelinta maamul goboleedyada Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo sidii adeegaan looga howlgelin lahaa guud ahaan dalka.

Wakiilada kasocday maamulada ayaa soo bandhigay fikrado wax ku ool ah oo ku saabsan Nidaamka Diiwaan galinta Aqoonsiga Qaranka.

Qorshaha Diiwaan galinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ah in 2024 lagu diwaan galiyo 5Million oo qof, sidoo kalana Dalka laga hirgaliyo 86 xarumood.