U bood dhigaalka

Ciidamada Amniga oo Gacanta Ku Dhigay Shakhsiyaad Ku Howlanaa Buufinta Bajaajta

Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa howlgal ballaaran oo ay sameeyeen waxaa ay kusoo qabteen shaqsiyaad lagu Eedeeyey in ay gacan Kula Jireen Sameynta Calaamada A iyo B ee Mooto Bajaajka kuwaas oo boolisku sheegay inay baal-marsanyihiin Sharciga.

Eedeysanayaasha boolisku soo qabtay oo lasoo bandhigay ayaa gaaraya 5 Eedeysane oo ku guda Jirey sida la sheegay xilligii lasoo qabanayey Buufinta Mootooyin iyo Garaash lagu buufiyo Moota Bajaajta.

Magacyada xubnaha lasoo qabtay ayaa lagu kala sheegay

1.Maxamed Xasan Xuseen Ina Xaawo Ibraahin Cabdi 50 jir ah

2.Max’ed deeq Axmad Cabdi Ina Canab Cali Maxamed 23 jir ah

3.Cabdiqani Maxmed Xasan Ina Maryan C/laahi Cabdi 28 jir ah

4.Xuseen Deeq Maxamed Ina Xaliimo Xasan Nuur 17 jir ah

5.Ibraahim C/Qaadir Maxamed Ina Ijaabo C/casiis C/dulle 24 jir ah