U bood dhigaalka

Hey’adda NISA oo Qabatay 12 Xubnood oo Shabaab Ka Tirsan

Taliska NISA ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 12 xubnood oo Shabaab ka tirsanaa kuwaasoo ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka Amniga.

Raggaan ayaa lagu soo qabtay howgal ka dhacay magalada Baydhabo iyo deegaanada ku teedsan.

Xubnahan gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed ayaa Shabaab u kala qaabilsanaa aruurinta lacagaha sakawaadka iyo jabhada.

Taliska ayaa sheegay in kooxda ay ku wareejin doonnaan Maxkamada Ciidanka Qalabka sida si Sharciga loo marsiiyo.

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran ka wada guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed kuwaasi oo lagu xaqiijinaayo amniga guud ee Deeganada Koonfur Galbeed.