U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Shaaciyay in Sharci Loo Maray Waxqabadka Xukuumadda Federalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool dalka Kenya ayaa uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo qorsheyaasha horumarineed ee dowladda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in markii uu xilka la wareegay bishii juun sanadkii 2022 uu durbadii qaaday tillaabooyin waaweyn oo uu arkayay inay dalka lagama maarmaan u yihiin, islamarkaana wax looga qaban karo dhibaatooyinka ay dadka soomaaliyeed la daalaadhacayaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan waxyaabihii ay Xukuumaddiisu qabtay intii ay xilka haysay ay ahaayeen kuwo Dastuurka dalku xeerinayo oo hab sharci ah loo maray, isla kolkaana ay go’aan sadeen inaanay waqti ku lumin is riix riix siyaasadeed.

Wuxuu intaa ku daray inay ku fooganyihiin, wax walbana u hurayaan maareynta tagtadii iyo tusmeynta waxa soo socda ee uu dalku hiigsanayo.

Ra’iisul Wasaare xamse ayaa sidoo carrabka ku adkeeyay inaan wax guul ah laga gaari karin dadaal walba oo dib u dhiska dalka la xariira haddii aan la helin amni iyo xasillooni siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa halkaa kulamo kala duwan kula leh madaxda dalkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan kenya.