U bood dhigaalka

Warbaahinta Madaxbannaan oo Ka Horyimid Golaha Warbaahinta ee Dowladda Magacowday

Qaar kamida madaxda iyo howl-wadeenada warbaahinta madaxa-bannaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu soo horjeestay gole dhowaan lagu dhawaaqay oo loogu sheegay inuu yahay mid ay ku mideysanyihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed, islamarkaana aas-aaskiisa lagala tashaday hoggaanka xarumaha warbaahineed ee dalka oo dhan.

Agaasimeyaal iyo wariyaal goobta ka hadlay ayaa sheegay inaysan ka warqabin, islamarkaana shaqo ku lahayn golaha lagu dhawaaqay oo ay ku sheegeen mid aan lagala tashan, waxna laga weydiin.

Cabdullaahi Xirsi oo ah Agaasimaha TV-ga universal qeybtiisa Muqdisho ayaa tibaaxay inay diideen in si sharci darro ah loo sameeyo wax lagu magacaabayo guddiga warbaahinta qaranka, balse aan loo joojin.

Masuuliyiin kaloo shirka ka hadlay ayaa ayaguna sheegay inaysan qeyb ka ahayn, si adagna ay uga soo horjeedaan golaha lagu dhawaaqay oo ay wasaaraha warfaafintu samaysay sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxay baaq u direen madaxda ugu sarraysa dalka, ayagoo ka dalbaday inay arrinta soo fara-geliyaan oo waxa ay warbaahinta madaxa-bannaani tabanayso la xalliyo.

Warkan ayaa ku soo beegmaya ayadoo ay dhowaan Wasaaradda warfaafinta shaacisay gole lagu sheegay guddiga warbaahinta qaranka, kaas oo matalaya dhammaan warfiyeenku Soomaaliyeed.